81 episodios
- Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si miir-qab iyo masuuliyad leh loo maareeyo. Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka dhismay, ayaa saddexdii muddo-xileed ee ugu dambeeyay soo bandhigtay tabashooyin la xiriira hannaanka loo marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Qaybta 81-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdi Faarax Saciid (Juxa), oo ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kalena wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka waxbarashada ka soo noqday Puntland, ayaa ku gorfeynaya arrimaha la xiriira federaalka, dowlad-dhiska iyo doorashooyinka heer federaal.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh
20/09/2026 | 1 h 11 minWaxaa socda dadaallo looga heshiinayo nooca doorasho ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee xiga. Waxaa jira saluug ah in doorashooyinkii dadbanaa ee hore aanay soo saarin xildhibaanno leh tayadii laga filayay. Su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay: sidee ayay noocyada doorasho ee laga wada hadlayo u abuuri karaan fursad lagu helo xildhibaanno leh tayada laga filayo?
Calinuur Boodaaye waxa uu kamid ahaa baarlamaankii 9-aad. Waxa uu qiimeyn iyo gorfeyn ku sameeyay baarlamaankii uu ka tirsanaa.
Qeybta 80-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Calinuur Boodaaye waxa ay isla gorfeynayaan sida uu u shaqeeyo baarlamaanka iyo sida loo qaabeyn karo nidaamka doorashada si loo helo xildhibaanno tayo leh, xilligan laga wada xaajoonayo doorashada baarlamaanka 12-aad.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!- Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026, oo uu Baarlamaanka Federaalka ansixiyay dhammaadkii 2025, ayaa gaareysa $1.39 bilyan. Inkastoo hiigsigu weli yahay “ku tiirsanaanta awooddeena dakhli”, 65% miisaaniyadda waxaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha, kuwaas oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kabka miisaaniyadda. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 35%.
Qeybta 79-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhia Mohamud, oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda (SPA) ahna Agaasimaha SPA Policy Lab, ayaa isla gorfeynaya nuxurka faallo qoto-dheer oo ay Somali Public Agenda ka sameysay miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2026, taas oo ay Farxiya qortay.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka
05/08/2026 | 1 h 6 minBishii Luulyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka dhacay dhowr wareeg oo wada-hadallo heer farsamo ah oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka. Beesha caalamka ayaa ku lahayd door dhexdhexaadin. Dowladda Federaalka iyo saddex garab oo mucaarad ah—GolahaMustaqbalka, Golaha Midnimada, iyo Nabad & Nolol—ayaa soo bandhigay noocyada doorasho ee ay u arkaan inay ku habboon yihiin doorashada baarlamaanka federaalka ee xiga ee Soomaaliya.
Qeybta 78-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Raysal Wasaare CumarCabdirashiid Cali Sharmaarke—oo laba jeer soo noqday Raysal Wasaare, musharrax Madaxweyne ahaa sanadkii 2017, haddana ah hoggaamiyaha Golaha Midnimada—ayaa ku gorfeynaya arrimaha doorashooyinka, aragtida mucaaradka, nooca doorashada ee Golaha Midnimada, kaalinta dhexdhexaadin ee beesha caalamka, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!- Waxaa Muqdisho ka socda shirar dhexdhexaadin ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka federaalka Soomaaliya. Shirarradan, oo ay dhexdhexaadinayaan Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay, ayaa dowladda federaalka iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ku soo bandhigeen noocyada doorashooyinka ee ay kala doorbidayaan.
Qeybta 77-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ah bare sare iyo cilmibaare ka tirsan City University of Mogadishu, waxay ku falanqeynayaan afarta nooc ee doorashooyinka iyo habka ugu habboon ee wakhtigan lagu soo dooran karo xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo iyaguna dooran doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!
Más podcasts de Gobierno
Podcasts a la moda de Gobierno
Acerca de Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Sitio web del podcastEscucha Maamul Wanaag, FRECUENCIA PÚBLICA y muchos más podcasts de todo el mundo con la aplicación de radio.net

Descarga la app gratuita: radio.net
- Añadir radios y podcasts a favoritos
- Transmisión por Wi-Fi y Bluetooth
- Carplay & Android Auto compatible
- Muchas otras funciones de la app
Descarga la app gratuita: radio.net
- Añadir radios y podcasts a favoritos
- Transmisión por Wi-Fi y Bluetooth
- Carplay & Android Auto compatible
- Muchas otras funciones de la app


Maamul Wanaag
Escanea el código,
Descarga la app,
Escucha.
Descarga la app,
Escucha.
Maamul Wanaag: Podcasts del grupo


















